Xal laga gaaray Khilaafkii Deni iyo Karaash

642

Odayaasha dhaqanka ee Puntland iyo guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa ku guuleystay in ay kulansiiyaan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa.

 

Odayaasaha ayaa ku guuleystay in labadda dhinac ay kawada hadlaan qodobada Muranka badan dhaliyay ee maalmihii lasoo dhaafay taagnaa.

 

Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in ay labada masuul ee u sareysa Puntland aqbaleen in ay kawada hadlaan waxyaabaha ay isku hayeen, lagana gudbo.

 
Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka”.

 

“Dowladdu waxay Bulshada Puntland ugu baaqaysaa inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, meel ugasoo wadajeestaan cadowga, iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka, amniga iyo jiritaanka Puntland