Trump oo ku hanjabay in uu howlgelinayo milatari rabshadaha soo afjara

664

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka digay in uu dirayo milatari kala eryi karo xasiloonidarrada ay shacabku ka wadaan dalka Mareykanka oo dhan, mudaharaadyadaasi oo ka dhashay dilki loo geystay nin madow ah oo booliska gacantooda ku jiray.

 

Wuxuu Trump sheegay maamullada magaallooyinka iyo baraasaabyada gobollada in ay ku guul dareysteen xakameynta mudaharaadyada iyo “in ay difaacaan shacabka” sidaa darteed uu ciidama milatari oo rabshadahaasi soo afjaro in uu howlgelinayo.

 
Mudaharaadyada looga soo horjeedo dilka loo geystay George Floy ayaa maalinti toddobaad ka socda dalka Mareykanka.

 

Xilliga uu Mr Trump aqalka cad warbaahinta kula hadlayey, boolisku waxay sunta indhaha ka ilmeysiisa ku kala eryeen boqollaal mudahaaradaayl ah oo mudaharaad halkaasi ka waday.

 

Madaxweynaha oo beerta aqalka cad lug ku soo dhexmaray ayaa gaaray kaniisadda St John oo ku dhaggan aqalka cad oo ay mudaharaadayaasha waxyeella u geysteen. Wuxuuna madaxweynaha cambaareyn iyo caro uu dusha kala dhacay dadka mudaharaadyada nabadeed u beddelay rabshado iyo iney hantida shacabka burburiyaan