Xisbiga CC Shakuur oo War Cusub kasoo saaray hadalkii RW Kheyre

699

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa War Cusub kasoo saaray hadalkii kasoo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee ahaa in Doorashada dalka xiligeedo ku dhacdo.

 

War qoraal ah oo kasoo baxay Xisbiga ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay balan qaadkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ah  in Xukuumadiisa ay qabaneyso doorasho isla oggolyahay  oo xiligeeda ugu dhacda si nabad ah.

 

Waxaa kaloo Qoraalka Xisbiga Wadajir lagu soo sheegay in Xisbiga uu dhiiragelinaayo fahamka Kheyre ee mudnaantiisu tahay Doorashada iyo muhiimada ay u leedahay xasiloonida dalka in afartii sano-ba la qabto doorasho la isku raacsan yahay.

 

Qoraalka ayaa hoosta ka xarriiqay, in wakhtiga kooban ee xukuumadda u harsan, ay waajibtahay in ay qaado tallaabooyin deg deg ah oo dalka looga badbaadinayo qalalaase siyaasadeed, islamarkaana ay ka shaqayso in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto