Tirada dadka ugu dhintay COVID-19 ee Somaliland oo korortay

295

Soomaaliland ayaa Maanta oo Talaado ah shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19 halka dad horleh ay u geeriyooeen.

 

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray in 14 qof kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.

 

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa xustay in 2 qof oo hor leh ay Cudurka COVID-19 u geeriyoodeen, kuwaasi oo ku kala sugnaa Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

 
Tirada dadka laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19 ee deegaanada Somaliland ayaa gaartay 200 oo qof, halka ay Cudurka ugu geeriyoodeen halkaas 17 qof, waxana kla bogsatay Cudurka dad farabadan.