
Dadka deegaanka oo la soo xidhiidhay Radio Kismaayo ayaa ka cabanaya in aysan haysanin adeegyada cafimaadka maadama xiligaan gu’ga ay deegaanka Wirkooy iyo deegaamada kale ee gosha ay ka kacday kaniico taas oo keenaysa xanuunka duumada iyo xanuuno kale intaba.
dadka deegaanka ayaa sheegaya in xarunta ugu dhow ee cafimad ay tahay xarunta ku taala Buulla-Guduud,xaruntaasna aysan daawo dhamaystiran aysan ka hellin.
Gaasa Aadan oo ka mida hooyooyinka deegaanka Wirkooy ayaa sheegtay in haweenka Uurka leh iyo dadka kale ee bukaanka ah-ba loo qaado magaalada Kismaayo oo u jirta ilaa 45km.
Maxamed Sheikh Aadan oo ah madax cafimaadka degmada Kismaayo una qaabilsan wasaarada Cafimaadka Jubbaland degmada Kismaayo iyo deegaanada hoos imaada ayaa ka gaabsaday in uu ka Jawaabo baahiyaha dhinaca Cafimaadka ee bulshada deegaanka Wirkooy.
Godoomiyaha deegaanka Wirkooy Cali Ibraahim Maxamed Ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanka ay yihiin dad dan-yar ah oo xitaa aan helli Karin lacag ay baabuur ugu raacan magaalada Kismaayo marka uu qof ka xanuunsado ayna u baahan yihiin in wasaarada Cafimaadka Jubbaland dadka deegaanka ka caawiso in dhinaca daryeelka cafimaadka .
Xussein Maxamed Muuse oo Madaxa Cafimaadka deegaanka Buulla-Guduud ayaa Radio Kismaayo u sheegay in xarunta Cafimaadka Buula-Guduud ay daboosho baahiyaha Cafimaadka ee deegaanada hoos Imaada Buula-Guud oo gaadhaya ilaa 13 Tuulo Balse Afartii Bilood ee la soo dhaafay ay xarunta Imaanaayeen dad aad u badan oo maalintii ay qaabilaayeen dad u dhaxeeya ilaa 180 qof ilaa 120,taasna ay keentay kooxii Cafimaadka ee war wareegi jiray oo dabooli jiray baahiyihii dhinaca cafimaadka tuulooyinka uu istaagay,ka dibna dadkii ay ku soo jabeen xarunta Cafimaadka ee Buula-guduud sidaa darteedna ay kala badan yihiin daawada iyo baahida Cafimaadka ee deegaanka ka jirta .
Xaruunta cafimadka Buul-guduud ayaa Bixisa Adeegyo kala duwan oo ay ka midyihiin Adeega hooyada iyo dhalaanka oo xarunta waxaa ay leedahay Goob Cafimaad oo haweenka ay ku dhalaan,waxaana xaruntaan la hirgaliyey Bishii sadexaad ee 2019 .
Goobta Cafimaadk Buulla-Guud oo ay ka howlgalaan 20 shaqaale Cafimaad ah ayaa waxaa maamusha wasaarada Cafimaadka Jubbaland Balse waxaa wasaarada ka Taageerta dhinaca dhaqaalaha hay’ada IOM.