Puntland oo soo saartay go’aano la xiriira maalmaha Ciidda

210

Iyada oo maalin qura ay ka harsantahay maalmaha ciidda ayaa maamulka Puntland waxa ay soo saareen go’aano culus oo la xiriira maalmaha ciidda.

 

Wasiirka cadaaladda arrimaha diinta Dastuurka iyo dhaqancelinta Puntland Cawil Sheekh Xaamud Maxamed ayaa tilmaamay gebi ahaanba deegaanada Puntland in la joojiyay isu so baxa iyo Salaaddi Ciidda sababo la xiriira xanuunka Corona virus oo caalamka si daran u saameeyay.

 

Balse, furidda dugsiyada Qur’aanka ayuu shardi uga dhigay in ay raacaan talooyinka bahda caafimaadka ee ku aaddan ka hortagga cudurka Coronavirus, islamarkaana aan la ogolayn in 30 arday ka badan hal meel la isu’gu keeno.

 

Wasiirka ayaa ku tusaaleey, in haddii dugsiga Qur’aanka ay wax ka bartaan 60 arday ay macallinka waajib ku tahay in uu 30-kii arday-ba gelin waxbaro, si loo ilaaliyo talooyinka bahda Caafimaadka ee ku wajahan xanuunka.