Jubbaland oo xukun dil ah ku fulisay Askari Askari kale xalay dilay

691

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose lagu toogtay askari ka tirsanaa ciidamada maamulka Jubbaland, kaas oo xalay askari kale si bareer ah u toogtay, sida ay cadeeyeen marqaatiyaashii hor tegay maxkamadda.

Askariga maanta la toogtay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdinaasir, waxuuna xalay magaalada Kismaayo ku dilay askari kale oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdullahi, kaas oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada Jubaland, iyadoo isla maanta maxkamadda la hor geeyay
Dilka ayaa yimid ka dib markii uu muran soo gala dhex galay labada Askari.
Maxkamadda ayaa askarigaas dil toogasho ah ku xukuntay, taas oo ah khisaasta askarigii uu dilay, iyada oo isla maantana xukunkaas lagu fuliyay Dable Maxamed Cabdinaasir oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland.