
Madaxweynaha Jubbaland axmed maxamed islaam ayaa waxaa uu mar kale ka hadlay xaalda Caroona-viurs iyo dhibaatada ba’an ee uu ku haayo bulshada Soomaalida iyo kuwo calaamka waxaa uuna sheegay in dadka soomaaliyeed uu mudooyinkii danbe cudurka dhibaatadiisu ay soo gaaray balse aysan dhag jalaq usiin sidii loo raaci lahaa Talooyinka Cafimaadka .
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in saadaasha laga bixinaayo saameenta uu leeyahay aysan wanaagsaneen loona baahan yahay in taxadar badan la muujiyo, dadka Reer Jubbaland ay wacyigooda kor u qaadan oo raacaan Fariimaha Cafimaadka ee bixinayaan Bahda Cafimaadka iyo wasaarada Cafimaadka intaba.
Dadka uu haleelo caabuqa Corona-viurs ayaa ka baqaaya in Bulshada ay kala kulmaan takoor taas oo keentay in dad badan ay xanuunka qarsadaan madaxwaynaha Jubbaland waxaa uu sheegay in aan loo bahnayn in dadka xanuunka uu ku dhaco in takooro .
Ka hadalka Madaxweynaha ee xaalada caabuqa carona ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa iyadoo dadka soomaaliyeed ay cabsi ween ka soo wajaheyso dhibaatada covid 19ka kaasi oo Magaalooyinka dalka laga sheegaayo in uu dhibaatooyin ba’an uu ku haayo