
Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay in Dad Cusub laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Cudurka laga baaray 24 qof, isla markaana 8 kamid ah dadkaas laga helay Cudurka, kadib markii laga qaaday dhiicaano, sidaasina lagu ogaaday inay qabaan COVID-19.
Ma jirin wax dhimasho ah oo uu shaaciyey guddiga waxayna sideedka qofood ee laga helay cudurkas ku noolyihiin gobolka Nugaal oo kaliya.
Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ee deegaanada Puntland ayaa gaartay 98 xaaladood, dhimashada uu sababay xanuunkaas ayaa gaartay 4 ruux, halka bogsashadu ay mareyso seddax qof.