Wasaarada Ganacsiga Jubbaland oo ka tacsiyey masuul ka tirsan rugta ganacsiga Jubbaland oo geeriyooday.

763

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland Mudane Cabdinuur Cali Aadan ayaa ka tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Cabdixakiin Axmed oo ka midd ahaa Masuuliyiinta Rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland(JCCI).

Mudane Cabdinuur Cali Aadan ayaa sheegay in marxuumka lagu xasuusan doono  Howlihii uu ka soo qabtay  Rugta ganacsiga .

Dhanka Kale Wasiirka Ganacsiga Jubbaland Cabdinuur Cali Adan  ayaa sidoo kale Tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Wasaarada Haweenka Jubbaland Maxamed Xussein Geele oo qof ehelkiisa ah ku dhintay magaalada Kismaayo