Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan oo Digniin Adag U Diray Hay’adaha Ka Howlgala Gobalkaasi

722

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu digniin adag u diray Hay’adaha samafalka ee ka howlgallo deegaannada gobolka Hiiraan,isaga oo uga digay inay deeqo kala duwan u qeybiyaan dadka ka barakacay fatahaada Beledweyne.

 

Waxaa uu sheegay in Hay’adahaas ay mas’uul ka yihiin dadka ka barakacay Magaalada Bledweyne sidoo kale ay yihiin kuwo dano gaar ah ka leh fatahaada Wabiga sidoo kalena ay qeyb weyn ka yihiin in uu wabiga fataho.
Hay’adahaasi ayuu guddoomiye Jeyte u sheegay inay hormar ka sameeyaan gudaha magaalada Baladweyne waxa uuna ugu goodiyay in hay’addii banaanka magaalada ku qeybiso macaawino inay xabsiga dhigi doonaan islamarkaana ay magaalada ka ceyrin doonaan sida uu hadalka u dhigay

 
Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan magaalada Baladweyne uu ka bilawday barakac baahsan ka dib markii wabiga Shabeelle ee halkaasi mara uu ku soo fatahay magaalada, waxaana jira lacago gurmad ah oo loogu deeqay maamulka Hirshabeelle si ay u xakameeyaan fatahaadahaasi.