Wariye Saciid Yuusuf oo Muqdisho Lagu Dilay iyo Ururada Saxaafadda oo War Ka Soo Saaray Dilka Wariyaha

321

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu dilay Wariye Saciid Yuusu Cali oo ka tirsanaa talefeshinka Kalsan waxaana dilka wariyaha canbaareeyay ururada u dooda saxaafadda.

Dilka wariyaha oo ka dhacay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hoda ayaa waxaa geystay shaqsi Tooreey ku hubeysnaa kaas oo dhowr jeer toreeyay wariyaha keentay geeridiisa.
Ururada Saxaafadda sida SOMA,SJS,SIMHA iyo FESOJ oo Warsaxaafadeed wadajir ah soo saaray ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin geerida Wariye Saciid, waxay suxufiyiinta iyo ehelkiisaba uga tacsiyeeyeen geerida Wariyaha.

Dowladda Soomaaliya ayey ugu baaqeen inay baaritaan ku sameyso dilka Wariyaha.

Ururada sxaafadda ayaa sheegay in dilka Wariyahan iyo jirdilkii Maanta ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya  ay u geysteen Wariye Safiya oo ka tiran Shabeelle ay ku soo aadeyso xilli maalinimadii shalay oo ahayd maalinta xurriyadda saxaafadda aduunka saxaafaddu cabasho ka dhan ah tacadiyada wariyaasha u dirtay Madaxweynaha iyo xukuumadda Soomaaliya.