Tirada Dadka Laga Helay COVID-19 Ee Puntland Oo Korortay

231

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisey natiijada baaritaan ay ku sameeyeen dad looga shakisnaa inay qabaan Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus,kaas oo kiisas farabadan laga helay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland Dr Jamac Faarax Xasan oo xalay xilli dambe Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la baaray 20 Ruux oo Cudurka looga shakisanaa,isla markaana Cudurka laga helay 12 Ruux.
Wasiirka ayaa cadeeyay in 20 Ruux ee la baaray 16 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 4 dumar ah, xanuunkana laga helay 12 qof oo 9 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 3 haween ah, halka 8 ruux laga waayay.

Isaga oo sii hadlaayay Faarax Jaamac ayaa waxaa uu tilmaamay in dadka laga helay Cudurka ay Da’dooda u dhexeeyso 15jir ilaa 65jir, kuwaasi oo ah dad aan ka safrin halkaas.
Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 23 ruux, uuna hal bukaan ahna uu u geeriyooday xanuunka.