
Waxaa xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre Maxamed iyada oo Jowhar uu ka bilaawday mooshin iska soo horjeeda.
Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geedi ayaa sheegay in uu qabtay Mooshin ay ku saxiixan yihiin 63 Xildhibaan oo xilkana looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.
Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa dhowr jeer sidaan oo kale Mooshino iska soo horjeeda ka kala gudbiyay Madaxweyne Waare iyo Guddoomiye Cismaan Barre, balse wadahadal ay galeen lagu burburiyay.