Turkish Airlines oo muwaadiniin Soomaaliyeed kasoo dejisay Muqdisho kuwo Turkey ahna ka qaaday

217

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa xalay kasoo degtay Diyaaradda Turkish Airways taas oo keentay dad ku xayirnaa Gudaha dalkaasi Turkiga,kadib markii la hakiyey duulimaadyadii Caalamiga ahaa.

Diyaaradda ayaa keentay dad tiro ahaan lagu sheegay 58 qof oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Dad Shacab ah oo muddo ku xayirnaa dalkaas.
Dowladda Federaalka ayaa maalmo ka hor guddi u xil saartay inay kasoo tala bixiyaan sidii dalka loogu soo daabuli lahaa muwaadiniinta ku xayiran wadamada caalamka.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa sheegay in dadka ugu badan ay ku xayiranyihiin wadamada Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.