
Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xusseen oo ay wehliyaan Wasiiro Xildhibaano Guddoomiyaha Gobolka iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta kormeer indha indheyn ah ku tagay Tuulada Bayo-xaaw oo ay ka socotay howlo lagu caro tuurayo Hareeraha Wabiga si looga hortago fatahaad uu geysto Wabiga.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale booqday tuulooyin jiinka wabiga ku yaal isagoo amar ku bixiyay in caro tuur xoog leh lagu sameeyo meelaha uu ka jilicsan yahay si looga baaqsado fatahaad ka dhacda deegaanadaas.
Maadaama aay xiligan biloowdeen roobabka ayaa waxaa cabsi badan laga dareemayaa deegaanada ku yaala hareeraha webiga Shabeele kuwaas ka cabsi qaba inuu fatahaado geeysto.
xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne ayaa kamid ah goobaha uu aadka u saameeyo webiga Shabeele, mana jiraan wax dadaalo ah oo looga hortagaayo fatahaada webiga Shabeele