
Wasaaradda deegaanka, biyaha, iyo beeraha boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay qaadeen xayiraadii saarneyd xoolaha looga soo dhoofiyo Soomaaliya.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda, islamarkaana la soo dhigay barta fariimaha gaa-gaaban ee Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay dib u fasaxday xoolaha looga keeni jiray gudaha Soomaaliya, kuwaas oo muddo hakad ku jiray.
Dhowr jeer oo hore ayaa Sacuudiga uu xayiraad saarey Sacuudiga kana qaadey,waxaana tallaabadaan uu haatan qaadey soo dhaweeyey Ganacsatada Soomaaliyeed ee Xoolaha Nool u dhoofin jiray Sacuudiga.
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay faah faahin ka bixiso tallaabadaan ay dowladda Sacuudiga xayiraada uga qaadey Xoolaha loo dhoofin jiray.