Digniin la xiriirta carona Virus oo loo diray Shacabka Soomaaliyeed

710

Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID-19 Dr Maxamed Maxamuud Cali Fuje, ayaa bulshada Soomaaliyeed uga digay khatarta iyo saameynta xad dhaafka ah ee cudurkaan sida dhaqsaha ah ku faafa uu ku yeelan karo dalkeenna xilli dunida inteeda badan ay dadaal xoog leh ugu jirto cirib tirkiisa.

Dr Maxamed Maxamuud Fuje ayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed kula taliyay inay si wadajir ah u qaataan talooyinka caafimaad iyo ammarrada dowladda ee qaybta ka qaadanaya xakameynta faafitaanka COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada naf-badbaadinta ah.

Waxuu sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan is-jaceylka iyo is-dhex-galka uu qayb ka qaadanayo faafitaanka COVID-19, maadaama cudurku uu yahay cudur si sahlan loo kala qaadi karo, waxuuna bulshada ka codsaday in dhaqankaas la bedelo intii lagu guuleysanayo xakameyntiisa.

Dhakhtarka waxuu walaac ka muujiyay kororka xaaladaha COVID-19 oo tusaale u noqon kara in tira badan oo dadka Soomaaliyeed ah uu soo ridan karo,  dalkeennuna uu xudun u noqon karo cudurka, hadii la iska indha tiro saameyntiisa