Dhageeyso: Maxay ka wada hadleen Raysul wasaare Khayre iyo Rugaha ganacsi ee dalka

1050

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland oo ka qeyb-galay shir Mareegta Internetka lagu qabtay oo u shir gudoominayay Raysul wasaaraha dalka Mudane Xassan Cali Khayre, oo Radio Kismaayo wareeysi siiyay ayaa sheegay in shirka looga hadlay saameynta dhaqaale ee uu sababay cudurka COVID19.

Mudane Shaafi Raabi Kaahin ayaa sheegay in shirka oo sidoo kale uu ka qeybgalay wasiirka maaliyadda Soomaaliya ay kusoo bandhigeen warbixin la xiriirta ganacsiga Jubbaland, Saameynta uu COVID19 ku yeeshay iyo weliba saameyntii dhaqaale ee ay reebtay xanni baaddii dowladda federaalka si gaar ah ugu soo rogtay Jubbaland kahor cudurka COVID19.