JUBALAND OO DHAQAN-GELISAY BANDOW HABEENKII AH

481

Guddiga ka hortaga Cudurka COVID-19 ee Jubbaland oo kulan ku yeeshay Kismaayo ayaa go’aamiyay in deegaanada dowlad goboleedka Jubaland lagu soo rogay Bandow habeen kasta ka bilowda lixda makhribnimo kuna eg lixda subaxnimo.

Sidoo kale kulanka Guddiga ayaa waxaa ka qeyb galay laamaha amniga Jubbaland waxaana inta uu socday lagaga looga hadlay dhaqan gelinta amrkaas iyo guud ahaan awaamirta uu guddigu shaaciyay ee la xiriira Cudurka Coronavirus.

Dhamaan xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu dhex arkayey ciidamada ammaanka Jubbaland oo gaaf wareegaya, waxaana sidaas xalay ku dhaqan galay bandowgii lagu soo rogay magaalada Kismaayo.

Jubbaland ayaa sheegtay in laba qof oo ku nool magaalada Kismaayo uu ku dhacay xanuunka Coronavirus,