
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo ah Guddoomiyaha guddiga ka hortaga Caabuqa Corona Virus ee Jubbaland oo shir jaraa’id magaalada kismaayo ku qabtay ayaa walaac ka muujiyay kiisaska soo cusboonaaday ee COVID 19 ee laga helay Kismaayo, isagoo dhinaca kale sheegay in ay jiraan tiro dad ah oo laga shakisanyahay oo baaritaankooda uusan weli soo bixin.
Wasiirka ayaa ka digay in la siyaasadeeyo xanuunkan Corona Virus isagoo ku baaqan in loo baahanayahy in si wadajir ah la isaga kaashado la dagaalanka cudurkan.
Gudoomiyaha guddiga ayaa dhinaca kale usoo jeediyay hay’adda ammaanka Jubbaland in ay joojiyaan isu socodka bulshada, maadaama hore loo mamnuucay duulimaadyadii dadkuna ay imiska isticmaalaan dhulka in ilaa amar danbe la joojiyo safarrada dhulka ah.
Labadaan ruux ee laga helay cudurk ayaa noqonaaya kuwii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in ay qabaan xanuunka COVID-19 ee ku sugan meel kamid Jubbaland.