Puntland Oo Soo Bandhigtay Natiijada Qof Laga Baaray COVID-19

709

Guddiga Maamulka  Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ayaa xalay shaaciyay Natiijada ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay qof looga shakiyay xanuunka COVID-19.

 

Qoraal uu soo saaray guddiga ayaa lagu sheegay in Natiijada ka soo baxday baaritaankii qofka looga shakiyay cudurka Coronavirus uu xaqiijiyay in uu ka caafimaad qabo xanuunkaas.

 

Guddiga ayaa tilmaamay in qofkaas laga shakiyay horay loo karantiilay 2-dii bishan April 2020 islamarkaana baaritaankii lagu sameeyay oo haatan jawaabtiisu soo baxday uu caddeeyay in uusan cudurka qabin.

 

Maamulka Puntland ayaa wadada dadaalo dhowr ah oo ay uga hortegayaan faafida Cudurka COVID-19, iyagoo xiray dhamaan goobaha muhiimka ah ee dadka isugu tagaan,  isla markaana Bandow kusoo rogtay xiliyada habeenkii ah Magaalooyinka waaweyn ee Maamulkaas.