
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in masuul ka tirsan maamulka Hirshabeelle uu ku dhacay cudurka Coronavirus.
Wasiiru dowlaha wasaaradda cadaaladda Hirshabeelle Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa laga helay cudurka Coronavirus sida uu xaqiijiyay wasiir ka tirsan maamulkaasi
Marka laga yimaado Warkaan kasoo baxay Masuuliyiinta Hirshabeelle , Ma jiro illaa iyo hadda war kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya oo lagu xaqijinayo xaaladdaan cusub ee soo korortay.