Koox ku eedaysan falal amni xumo oo maanta laga soo qabtay degmada Wadajir

214

Hawgal ay si wada jir ah u sameeyeen maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir iyo Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa ay kusoo qab qabteen xubno dhalinyaro ah kuwaas oo la sheegay in ay gacanta kula jireen falal amniga lidi ku ah.

Maamulka Degmada oo uu horeeyo Guddoomiyaha Degmada iyo Taliyaha Saldhiga ayaa Maanta 7 dhalinyaro oo ku Hubeysnaa Mindiyo iyo Baan-gado ku wareejiyay Xeer Ilaalinta Qaranka.

Ugu danbeen Guddoomiyaha ayaa fariin digniin ah u diray dhalinyarada ku hubeysan Mindiyaha iyo Baangadaha Ee Amniga Rabshadaha ku wada In la marsiin doono Sharciga.