Imaaraatka oo qalab caafimaad ugu deeqay Puntland

256

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa maanta waxaa ay qalab caafimaad ay u deeqday Puntland iyo Soomaaliland.

Maanta  ayay aheyd markii Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa ay ka degtay diyaarad siday agab Caafmaad oo ka timid Imaaraadka Carabta, kaasi oo loogu talo galay in looga hortago Cudurka Coronavirus
Puntland, Wasiirka caafimaadka, Dr Jamac Farax Xasan ayaa Boosaaso kala wareegay Dowlada Imaaraatka Carabta deeqda Qalabka Caafimaad oo uu ku jiro sheybaarka lagu baaro ama lagu ogaado qofka qaba Carona Virus.
Imaaraatka ayaa saaxiib dhow la ah labada, maamul, iyadoo dhinacyo badan ka taageerta.