
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dagaal beeleedyo ka socda deegaano ka tirsan Gobolada dalka, kaasoo dad badan ku dhinteen.
War saxaafadeed uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ugu baaqay in dhinacyada dagaalamaya inay si shuruud la’aan ku joojiyaan dagaalada ka socda deegaano ka tirsan degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo galbeedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose
Walaalaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamay deegaanada ka kala tirsan maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaan ugu baaqayaa inay colaadda shuruud la’aan ku joojiyaan, wax kastana oo tabasha ahna wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo.
Ugu dambeyntii Madaxda Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay Sheekh Shariif in ay qayb ka noqdaan dadaal kasta oo looga hortagayo colaadaha soo noqnoqdey ee aafeeyey dalkeenna