Puntland oo u digtey dadka jaadka keena xilli la mamnuucey

719

Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay qaad fara badan oo la doonayay in la galiyo gudaha magaalada Garoowe,kaas oo horey loo mamnuucey si looga hortago Cudurka,iyada oo lagu gubey Goob fagaaro ah oo ku taalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Goobta lagu gubey jaadka( Qaadka) ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muxyadiin Axmed Muuse, Xubno katirsan garsoorka Puntland iyo laamaha ammaanka,kuwaas oo amaro Cusub kasoo saarey jaadka.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay qaad fara badan oo la doonayay in la galiyo gudaha magaalada Garoowe,kaas oo horey loo mamnuucey si looga hortago Cudurka