
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda caafimaadka ee dowlada Soomaaliya, Maxamed Saciid C/llaahi ayaa walaac ka muujiyey Xaaladda cudurka COVD-19 ee Soomaaliya, iyo cabsida ay ka qabaan inuu ku dhex faafo bulshada.
Maxamed Saciid C/llaahi ayaa sheegay in Labo bukaan oo maalmo ka hor wasaarada Caafimaadku sheegtay in laga helay cudurka COVID-19, mid ka mid ah uu yahay Soomaali ku noolaa gudaha Muqdisho, taasoo uu sheegay inuu kaga duwan yahay kiisaskii ka horeeyey oo dhamaan dadkii laga helay ahaayeen kuwo ka yimid dibeda lana karantiilay inta aysan shacabka dhex gelin.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS waxa uu shacabka ka dalbaday in aysan sahlan faafidda Cudurka Corona oo saameyn taban ku yeeshay dalal badan oo lagu tiro in ay yihiin kuwa horumaray.