
Afhayeenka madasha xisbiyada qaran Cabdi-risaaq maxamed shoodhe oo wareysi gaar ah siinayay idaacada radio kismaayo codka jubaland ayaa faafaahiyay war-saxaafadeed kasoo baxay madasha xisbiyada qaran kaasi oo xukuumada soomaaliya looga digayay muddo kororsi dhanka doorashada.
Afhayeennka ayaa carabaabay in hadafka madasha xisbiyada qaran uu yahay in ay doorashada soomaaliya xilligeeda ay ku egtahay waxaana xilligaan uu sheegay in muddo kooban ay u harsan tahay xukuumada soomaaliya islamarkaana xilligaan aanu muuqan saan-saanta doorashada dalka.
Hoos ka dhageeyso codka Afhayeenka Madasha xisbiyada qaran Cabdi-risaaq Maxamed Shoodhe.