
War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaan ka tirsan Gobolka Baay.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 27-kii Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Buula fuulaay oo ka tirsan gobolka baay ,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab
Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen laba Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab,sida uu sheegay kuxigeenka agaasimaha howlgalada, Taliska Mareykanka ee Afrika Janeraal Miguel Castellanos.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda xaqiijisay in duqeynta halkaas ka dhacday lagu dilay laba xubnood oo ka tirsana Al-shabaab islamarkaana aan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka shacabka ah.