Dhageeyso: Muxuu yahay Corona Virus, sidee la isugu gudbin karaa, sideese looga hortagi karaa?

1793

Barnaamijkan gaarka ah ayaa todobaadkan looga hadlay caabuqa Corona Virus oo ah cudur saameeyn xoogga ku yeeshay adduunka, kaasoo ah cudur saf mar ah oo saameeyay dalal badan oo ku yaal dunida.

Dr. Aadan Jaamac Muuse oo ah dhaqtarka cudurrada guud ee Isbitalka Anfac ee magaalada Kismaayo islamarkaana wax kusoo bartay dalka dibaddiisa oo marti ku ahaa Barnaamijka ayaa sheegay in cudurkan uu yahay cudur uu keeno Virus ku dhaca neef-mareenka, kaasoo uu sheegay in asal ahaan uu yahay cudur ay isu gudbiyaan xayawaanka iyo bini’aadamka.

Dr. Aadan ayaa sheegay in cudurkan uu si sahlan u gudbi karo islamarkaana yahay cudur lagu kala qaado taabashada, waxa uu xusay in xitaa cudurkani uu ku faafo haddii qof qaba uu taabto shey uu Virus-ka halkaasi ku noolanayo ayna u fududahay in uu dad kale ku faafo.

Mar uu ka hadlayay sida looga hortagi karo ayaa sheegay in loo baahanyahay in marka hore la sameeyo wacyigelin baahsan oo bulshada loo sheego waxyaalaha laga doonayo, in dadka loo sheego in ay Maasgaro xirtaan, goobaha bulshada iska ilaaliyaan, haddii ay arkaan calaamadaha cudurkani ay beegsadaan goobaha caafimaadka.

Halkan hoose ka dhageeyso Barnaamijka oo dhameystiran.