Waa sidee xaalada Caafimaad Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya?

458

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxay warar sheegaya in uu magaalada London ee dalka Britain ku xanuunsan yahay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde).

Wiil uu dhalay Nuur Cadde oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Nuur Cade ayaa xaqiijiyay in aabihii uu ku jiro isbitaal ku yaala magaalada London, halkaasina lagu dabiibayo, kadib markii sida uu sheegay uu ku dhacay xanuunka dunida oo dhan aafeeyay ee corona.

  1. Wuxuu intaa ku daray in xaaladiisa ay kasoo reyneyso, sababta isbitaalka loo geeyayna ay tahay in uu qabo xanuuno ay kamid yihiin macaankaa ama sonkorta, waxaana uu yiri “sideed maalmood kahor ayaa lagu arkay xanuunka”.