Puntland oo sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay khamri iyo dadkii ka ganacsanayay

748

Ciidanka Booliska Gobalka Bari Puntland oo ay Wehlinayeen Ciidamada PMPF iyo Madaxtooyada ayaa Warbaahinta u soo Bandhigay Guri kamid ah Xafadaha Magalada Boosaaso oo lagu Qarinayay Khamri tiro badan iyo dadkii ka Ganacsanayey.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo Faahfahin ka bixiyay Khamrigaan ayaa sheegay in uu Dhanyahay in ka Badan 10,000 kun oo Caag,kuwaas oo dadka qaarkood isticmaalayeen halka qaarkood ay ka Ganacsanayeen.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono dadka ka ganacsanayay khamrigan, isagoona sheegay in maxkamad la soo taagi doono.