Dowladda oo ka hadashay Go’aanka Bangiga Aduunka & IMF

698

Soomaaliya waa waddanka 37aad oo gaara heerkaan dayn cafinta, waxaana ay ku timid dadaal dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixisay dib u habeynta hey’adaha

Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxa ay Soomaaliya u dhaqaaqaysaa hannaanka dhameystirka dayn cafinta oo qaadanaya sadax sano”.

Agaasimaha Maamulka Hey’adda Lacagta adduunka ayaa intaa ku dartay in dib u habeynta maamulka Maaliyadda Soomaaliya ee ay dowladdu smaeysay in ay hogaamisay kobac dhaqaale.

Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa soo dhaweeyay guusha Soomaaliya ka gaartay dayn cafinta

“Waxaan dadaalka Soomaaliya ku bxiisay soo celinta hannaan dagan oo lagu yareeyo faqriga, dib ugu soo noqoshada nidaamka Maaliyadda caalamiga ah, waa waa mid taariikhi ah iyo horumar ay ku talaabsatay Soomaaliya ayuu yiri Madaxweynaha Bangiga Adduunka