Dhageyso: Gudoomiyaha Wakiilada Jubbaland oo ku baaqay in la joojiyo colaada ka socota galbeedka Kismaayo.

301

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdirahmaan ayaa baaq nabadeed u diray manta Beelaha –walaaha ee ku dagaalamaya Galbeedka magaalada Kismaayo,waxaana Gudoomiyaha ugu baaqay waxgaradka labadaas beelood in si deg deg ah loo joojiyo colaada soo noq-noqatay ee ka socota deegaamadaasi .

‘’ aad ayaan uga xunahay colaada ka socota galbeedka Kismaayo,waana in si deg deg ah loo joojiyaa colaadaas’’ sidaa waxaa radio kismaayo u sheegay gudoomiyaha golaha Wakliida Jubbaland.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland oo hadalkiisa sii-wata ayaa sheegay in colaad iyo dagaal sokeeye uusan cidna manta wax ku soo kordhinaynin,cidna faa’iido ugu jirin ,waxyeelo iyo dhibaato ka dhalato ma ahane, umadda soomaaliyeedna ay ku soo daashay colaad qabiil balse manta loo bahan yahay in midaas laga gudbo oo beelaha walaalaha ay waxii u dhaxeeya wadahadal ku dhamaystaan