Jaakad Nooca Qaraxyada loo Isticmaalo oo Gaalkacyo lagu qabtay

321

Howlgal ay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug ka sameyeen Ciidamada Ammanaka ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Jaakad qaraxyo ah oo lagu qarinayey meel kamid ah Koonfurt Magaaladaas.

Saraakiil ka tirsan booliska Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in jaakadaan lagu qarinayey Guri ku yaalla Magaalada Gaalkacyo oo uu leeyahay Nin Ganacsade ah xogtaasina ay heleen,hayeeshee saacadaha soo socda ay faah faahin doonaan.

Taliyaha qeybta booliska gobalka Mudug G/Dhaxe Qaasim Sheekh Doon Cali Oo la Hadlay Warbaahinta , ayaa Faah Faahin Ka Bixiyay Howlgal Lagu Soo Qabtay Jaakadaan Nooca Qaraxyada loo Isticmaalo oo lagu qariyay mid ka mid ah xaafadaha magaalada.

“Waxaan maalmahaan wadnay howl-gallo lagu sugayo Ammaanka magaalada inagoo ka sameeyneyna dhammaan xaafadaha sidaa daraadeed waxaa inoo suura gashay inaan gacanta kusoo dhigno Jaakad Nooca Qaraxyada loo Isticmaalo oo la dhigay goob luuq ah oo ku taallo xaafaada Wadajir ee magaalada Gaalkacayo” ayuu yiri Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa horay dhowr jeer uga dhacay weeraro qaarxyo ah,kuwaas oo lagu diley dad isugu jirey mas’uuliyin,skar iyo Shacab