
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo howlo shaqo ku jooga Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku nool Magaalada Afmadow isagoo ka dhagaystay fariimaha iyo aragtiyada ay ka sidaan Bulshada ay wakiilka uga yihiin dhinaca dhaqanka.
Madaxweynahu wuxuu ku amaanay Odayaasha dhaqanka Degmadan doorka ay kaga jiraan Midnimada iyo wada Noolaanshaha Bulshada.
ugu danbeen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Odayaasha u sheegay in degmada Afmadow u baahan tahay in wax badan laga qabtos,ida dhisida Isbitaalka iyo Arrimo kale oo muhiim ah una baahan tahay degmadaas. Afmadoow