
Foos Sharma’arke Ahmed waa gabadh da’yar oo wax ka barataa Iskuulka Iftin ee hoose ,dhex,sarre ee magaalada Kismaayo,Foos waxaa ay dib u qortay shan oo ka midda maadooyinka lagu qaato dugsiyada Sarre ee magaalada Kismayo.
Bugaagta ay gabadhaan dib u qorista ku samaysay ayaa waxaa ka mida Kimistariga,Fiisigiska iyo Boilogy-ga, waxaana buug walba ay ka soo dhex-saartay su’aalihii ka imaanayey iyo Jawaabahoodii si ardayda dhiganaysa Iskuulada sarre uu imtixaanka ay galayaan ugu fududaado.
Foos Sharma’arke ayaa shaqadaan bilowday sanadkii 2018 -iyadoo shalay soo bandhigtay Bugaagtaan.
Gabadhaan oo ah arday dhigata Fasalka Afraad ee Dugsiga sarre ayaa waqti badan galisay sidii ardayda la midka ah ay ugu fududayn lahayd Casharada iyo Imtixaanka,Balse Foos ayaa Radio Kismaayo u sheegtay in ay jiraan dad ka caawiyey qorista bugaagta .