Maamulka Radio-Kismaayo oo abaalmarin gudoonsiisay qaar ka mida shaqaalaha.

1118

Maamulka Idaacada dowladda ee Radio Kismaayo ayaa qabtay munaasabad lagu abaal-marinaayey shaqaalihii ugu shaqada badnaa Bishii aan soo dhaafnay ee Febraayo,waxaana munaasabada ka soo qayb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Teknoologyada Jubbaland Cabdi Shugri Carab.

Agaasimaha Idaacada dowlad Goboleedka Jubbaland Xassan Nuur Maxamed ayaa ka warbixiyey munaasabadii manta lagu Abaal-mariyey qaar ka midda shaqaalaha iyo Madax-waaxeedyada Radio Kismaayo.

“waxaan qabanay munaasabad yar oo kooban u qabanay qaar ka midda shaqaalaha Radio Kismaayo,waxaana munaasabada ahayd mid ku saabsan in dhiiri-galin loo sameeyo qaar ka midda shaqaalaha oo masuuliyiinta waaxa iyo agaasinka ay ku soo xuleen shaqo wanaag”


Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta ,Isgaadhsiinta iyo Tiknoologyada Jubbaland Cabdi Shugri Carab ayaa Maamulka Idaacada iyo Shaqaalaha ugu horayn u mahad-celiyey shaqada adag ee ay u hayaan Shacabka Jubbaland.

“Abaal marintaan waa maamuus lagu shafray qof-ka shaqaalaha si loo muujiyo shaqada uu qabtay,waxaana ay cadaynaysaa dadaalka uu soo sameeyey”
Abaal-marintaan lagu dhiiri-galinaayey shaqaalaha ayaa noqon-doonta mid si joogta uu u samayn-doono maamulka Jubbaland.