Suuqa Kaluunka magaalada Kismaayo oo dib u dhis lagu samaynaayo

773

Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jubbaland oo kaashanaysa hay’adaha GIZ iyo MERCY Corps ayaa dib u dhis ku samaynaayo Suuqa kaluunka iyo Suuq kale oo isla goobtaas kuyaal.

Iskuduwaha Wasaaradda Kaluumaysiga,Gudoomiyaha Degmadda Kismaayo iyo qaar ka midda Agaasimayaasha guud oo ugu horeeyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga ayaa halkaas kula hadlay dadwaynaha ku ganacsada Suuqa kaluunka waxaana lagu wargaliyey in maanta-ba ay Suuqa ka guuraan si dib dhis loogu sameeyo.

Gudoomiyaha Degmadda Kismaayo Ibraahim maxamed Yuusuf Timo-jilic ayaa sheegay in mashruucaan uu noqonaayo mashruuci ugu waynaa ee laga hirgaliyo degmadda ayna Furadwayn u tahay dadka ku dhaqan Degmadda Kismaayo.

“Shirkadaha Korontada iyo dadka kale alaabaha ay ka yaalaan suuqaan waxaan ku wargalinaynaa in agab kooda ay meesha ka qaatan si dadwaynaha ku ganacsada suuqa kaluunka iyo suuq wayne loogu dhiso”

Gudoomiyaha Degmadda ayaa sheegay in dhaqaalaha lagu dhisaayo suuqa ay bixinayso dowladda Jarmalka ayna u wakiilatay fulinta mashruucan hay’adda Mercy Corps.