
Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo qaarkood ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in howlgallada laga fuliyey deegaannada kala ah, Beer-Xaani, Qudus, Kaamjaroon iyo Janaay Cabdallle,isla markaana aysan la kulmin wa iska caabin ah.
Saraakiisha hogaamineysay howlgalkaas laga sameeyay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, isla markaana aysan la kulmi wax iska caabin ah oo uga yimid dhanka Al-shabaab inta uu socday howlgalka.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Jubbaland waxay tilmaameen in ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhan ah Al-shabaab, kaasi oo ay sheegeen inay ku doonayaan in ay Al-shabaab ay kaga saaraan Gobolada Jubbooyinka.