
Madaxweynaha jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daahfuray kal-fadhigga labaad ee baarlamaanka jubaland.
munaasabada daahfurka kal-fadhigga baarlamaanka jubaland ayaa waxaa goob-joog ahaa mudanayaasha baarlamaanka jubaland odoyaasha dhaqanka jubaland haweenka dhallinyarada.
munaasabada oo ay masuuliyiin badan ka hadleen ayaa waxaa uu madaxweynaha jubaland uu halkaasi kasoo jeediyay qudbad muhiim oo dhinacyo badan taabanayso ayaa waxa uu ka hadlay falalka guracan ee ay dowlada soomaaliya kawado qaybo kamid ah gobolka gedo.
madaxweynaha ayaa dhanka kale waxa uu ku baaqay in ciidamada dowlada soomaaliya ee xilligaan kusugan qaybo kamid ah gobolka gedo ay si shuruud la’aan uga baxaan gobolka gedo,dowlada soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay yimaadaan miiska wada-hadalka
dhinaca kale madaxweynaha ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay dhamaystirka dastuurka qabyo qoraalka ee soomaaliya waxaana madaxweyne axmed maxamed islaam uu ku baaqay in dhamaystirka dastuurka soomaaliya ee xilligaan ay haboon tahay in loo xilsaaro guddi ka madax-bannaan dowlada dhexe ee dalka.
ugu dambayntii madaxweyne axmed maxamed islaam ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay si deg-deg usoo farageliyaan waxa kasocda gobolka gedo.