
Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midooobeen Lix Xisbi Siyaadadeed ayaa waxaa ay War-Murtiyeed ay uga hadlayaan Arrimo dhowr ah kasoo saareen Shir Muddo Shan Cisho uga socdey Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Warmurtiyeedka oo ka kooban laba Bog ayaa waxaa ay ku sheegeen in shirkooda uga hadleen caqabadaha Amni iyo midka siyaasadeed ee xilligaan dalka kajira sidii xal loga gaari lahaa,kuwaas oo wiiqi kara dowladnimada mudada la soo dhisaayey.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen Madasha Xisbiyada Qaran inay aad uga xun yihiin in Ciidankii iyo dhaqaalihii loogu talo galay la-dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada loo adeegsado burburinta Dowlad Goboleedyada dalka kajira,waxaana Shacabka Soomaaliyeed ay ugu baaqeen inay u diyaar garoobaan madal dib u heshiisiineed.
Madasha Xisbiyada Qaran ee shiray Warmurtiyeedka soo saarey ayaa waxaa ku mideysan Xisbiyada kala ah UPD ,Himilo Qaran, Kulan, Horusocod, Ilays iyo Xisbiga Nabadda.
Hoos Ka Akhriso War-Murtiyeedka Madasha Xisbiyada Qaran ay soo saareen.