Dab ka kacay kaalin shidaal oo ku taala Muqdisho

272

Daqiiqo kahor waxa uu dab ka kacay kaalin Shidaal oo ku taalla Isgoyska Black Sea (Balaagsii) Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa waxaa uu qabsaday Kaalin Shidaal oo ka agdhow goobta uu Dabka ka kacay,Isagoona ku Faafay maqaayado iyo Xaafadaha ka agdhow.

Lama hayo ilaa iminka faah-faahin ku saabsan waxa uu ka dhashay dabka iyo Khasaaraha uu geystay inta uu gaarsiisan yahay, waxaana wali socda Gurmadka lagu daminayo dabka si aanu u gaarin goobaha kale ee dhaw.

Gaadiidka Dab Dimiska ayaa Gaaray goobta uu Dabka ka kacay Waxaa lasoo saaray dhammaan Fuustooyinka Shidaalka ee yaallay Goobaha u dhaw Kaalinta Shidaalka ee dabka qabsaday