
Suuqyadda kaluunka Kismaayo ayaa waxaa laga dareemaya Saxmad xoog leh ka dib markii ay hoos u dhaceen dabaylo xoogan oo ka dhacaayey badaynta Hindiya,kuwaas oo hoos u dhigay wax-soo saarka kaluumaysatada Gobolka Jubbadda Hoose.
Waxaa hoos u dhacay qiimaha kaluunka ka dib markii uu soo batay kaluunka ay kaluumaysatada ay suuqa keenayaan.
Ahmed Nuur Maxamed waxaa uu ka mid yahay ganacstada ka ganacsadda kaluunka Radio Kismaayo ayaa uu uga warbixiyey Isbadalka Suuqa Kaluunka.
Cabdi Nuur waxaa uu ka Mid yahay dhalinyarada kaluumaysatada ee Magaalada Kisamayo,kuwaas oo marka ay soo kaluumaystaan kaluunka ka Iibiya Ganacsatada Suuqa Kisamayo,waxaa ka warbixiyey farqiga u dhaxeeya xiligii dabaysha jirtay iyo maanta oo suuqa kaluun badan uu yaallo .