
Mdaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa kusoo dhoweeyay Ayaan Xassan Ducaalle oo ah Gabadh 7sano jir ah oo araga naafo ka ah, Taas oo Maalmo ka hor Fariin Maanso ah u soo dirtay Madaxwaynaha, si wax looga qabto xaaladda nololeed iyada iyo dadka ay isku baahida yihiin.
Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa balan qaaday inuu ka caawin doono Ayaan Xasan Ducaalle in ay hesho Dhakhtar dibedda ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladdu wax ka qaban doonto Xaaladaha Nololeed iyo Waxbarasho ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee nool Puntland.
Qoyska ayaan Xasan Ducaalle ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha qaabiladiisa iyo in uu wax ka qabanayo Xaaladeeda Caafimaad iyo guud ahaan nolosha dadka araga naafada ka ah