
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday saldhig ay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Buur Eyle oo hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Ciidamada dowladda ayaa la soo sheegayaa iney muddo kooban la wareegeen deegaanka Buur Eyle, oo ay markii danbe isaga bexeen. Al-Shabaab ayaa dib ugu soo laabatay deegaanka oo ka mid ah kuwa ay Al-Shabaab ku xoogan yihiin.
Hal askari ayaa lagu soo warramayaa inuu ku nafwaayay laba kalana waa ay ku dhaawacmeen iska hor imaadka dhexmaray labada dhinac. Lama oga khasaaraha gaaray dhinaca Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee gobolka Baay weli kama hadlin weerarkaas qorsheysnaa oo Ciidamada ay ku fuliyeen deegaanka Buur Eyle oo hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.