Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn uu ka fuliyey Jubbada Dhexe.

788

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 22/2/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka u dhow degmada Saakow ee Gobalka Jubbada Dhexe,isla markaana ay ku la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen laba Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab mid kalena ay ku dhaawaceen,sidoo kalena ay ku bur buriyeen Saldhigyo ay lahaayeen,hayeeshee aan wax khasaaro kasoo gaarin dadka rayidka ah.

“Al-Shabaab waxay dadka u dilaan si joogto ah oo aan kala sooc lahayn,waana kuwo xiriir la leh Al-Qaacida waxay dilaan Soomaalida,iyaga oo aan waxba galabsan, waxay barakiciyaan qoysaska, waxaay ka qaadaan canshuur sharci darro si xoog ah . Waxay rabaan inay aragtidooda burburka si ballaaran ayuu yiri” , Kuxigeenka Taliska Mareykanka ee Taliska Mareykanka ee howlgalada Afrika Janeraal Brig. Gen. Miguel Castellanos.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2020 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegsanayo Xarumaha Al-Shabaab,waxaana muddo todobaad gudaheed ah uu laba duqeyn ka fuliyey Gobolka Jubbada Dhexe.