Dhageyso: Safarka Nabadda Q-Shanaab Oo Looga Hadlayay Doorka Uu isbortiga ama Ciyaaraha ay ka Qaadan karaaan Dhismaha Nabada.

1249

Barnaamijka Safarka Nabada Qeybtii Shanaad todobaadkan Waxaa Marti Ku Ahaa Bishaar Cali Axmed (Kaata) Oo Ah Khabiir Dhanka Ciyaaraha iyo Shaafici Xuseen Yuusuf Oo Ah Nin Aqoonyahan oo Kamid ah Dhalinyarada Dalka Gudahiisa Wax Ku Baratay Waana Falanqeeye Dhanka Ciyaaraha.

Bishaar Cali Axmed (Kaata) Ayaa Sheegay isbortiga ama Ciyaaraha in Uu yahay meesha Kaliya ee la iskugu keeni karo bulsho sida in ay isku bartaan ay isku dhex-galaan Xitaa Bulsho Colaad isku Qabtay ayaa Halkaas Isku Cafineysa Sida Uu Sheegay Bishaar.

Dhanka Kale  Shaafici Xuseen Yuusuf Ayaa Sheegay in Isbortiga Uu Yahay Halka Kaliya Ay Dhalinyarada isku dhex-galaan Tusaale Waxa Uu Usoo Qaatay Dadkii Hore Ee Reer Miiga ahaa ( Dadka Baadiyaha Dagan ama Ku Nool) Markii ay isku dhacaan Waxa la iskugu keeni jiray oo lagu heshiisiin jiray waxaa ka mid ahaa ciyaar dhaqameedyada.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Barnaamijka Oo Dhameystiran.