Dhageeyso: Safarka Nabadda Q.1-aad Door noocee ah buu Isboorigu ka ciyaaraa si dadka la isugu keeno

1485

Barnaamijka Safarka Nabadda qeybtiisii 1-aad oo aan todobaadkan uga hadleeynay doorka uu isboortiga iyo nashaadka jirku ka  ciyaareen Soomaaliya si dadka la isugu keeno.

Barnaamijka waxaa todobaadka Marti ku ahaa C/samada Sheekh Qaasim oo ah qabiir dhanka Isboortiga kasoo dheelay ciyaarihii heerka 1-aad ee dalka xilligii ay dhisnayd dowladda hose ee Soomaaliya islamarkaana ka mid ahaa xulkii gobolka J/hoose, sidoo kale C/samada waxa uu ahaa hogaamiyaha xulka Qaranka Soomaaliya ee guulaha kasoo hoyay ciyaaraha adduunka sanadkan, sidoo kale waxaa barnaamijka Marti ku ahaa Ciise Aadan Fartaag oo kamid ah maamulka kooxaha kubadda cagta ee degmada Kismaayo.

Masuuliyiintan ayaa faahfaahin ka bixiyay Muhiimadda uu isboortigu u leeyahay nabadda, isdhexgalka bulshada iyo caafimaadka.

C/samada Sheekh Qaasim ayaa sheegay in haddii la dhiso kooxihii kala duwanaa ee ciyaaraha ay wax weyn iska badali karaan kala tagga iyo khilaafka bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda yaal, isagoo tusaale usoo qaatay ciyaartii ugu danbeeysay ee Soomaaliya iyo Zimbabwe oo uu xusay in ay noqotay mid mideeysay guud ahaan Soomaalida.

“Haddii la badain lahaa ciyaartii ugu danbeeysay, waxaan qabay in Soomaaliya ay maanta mid ahaan lahayd meel walba oo ay joogtay,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu sheegay in sidoo kale isboortigu kaalin muhiim ah ka qaato isdhexgalka bulshada, isagoo tusaale usoo qaatay kahor inta uusan dalku burburka gelin in ciyaartooyda laga keeni jiray gobollo fogfog ayna ku noolaan jireen magaalooyin kale, taasoo uu sheegay in ay keeni jirtay in dadku isdhexgalaan oo ay midoobaan.

Ciise Aadan Fartaag oo kamid ahaa martida ayaa aad ugu dheeraaday muhiimadda uu leeyahay isboortiga iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la dhiso kooxihii kala duwanaa ee Isboortiga, isagoo sheegay in ciyaaruhu ay yihiin caafimaad.

“Caafimaad ahaan door weyn ayuu ka qaadan karaa Isobortiga, sidoo kale, midnimo umadeeda, mid xaafadeed, degmo ama gobol ayuu Isboortigu ka qeybqaadan karaan,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu sheegay in qofka garoonka ku jira ee ciyaaraya iyo kan bannaanka joogo ay isku dareen yihiin, arintaa oo uu xusay in ay keeni karto isbarasho iyo isdhexgalka caafimaad qaba oo bulshada dhexdeeda ah.

C/samad oo aan wax ka weeydiinnay sida uu ahaa Isboortiga iyo halyeeyadii soo maray dalka, ayaa tusaale usoo qaatay Cabdi Bile Cabdi oo guulo taariikhi ah usoo hoyay Soomaaliya, isagoo sheegay in kadib guusha in dalka loogu soo dhaweeyay si aad u sareeysa.

“Garoonka Muqdisho waxaa loogu soo dhaweeyay si heer qaran, aniga naadiga Muqdisho ayaan kamid ahaa, looma kala haran dhammaan xiriiradii joogay iyo dowladdaba uma kala harin, taasina waxay ku tusineeysaa in ciyaaraha ay aad ugu fiicantahay Soomaalida, aanna leeyahay ha la isugu tago, waa  ciyaaraha fudud,” ayuuu hadalkiisii raaciyay.

Qaar kamid ah dhageystayaashii barnaamijka ka qeybgalay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dardar geliyo isboortiga dalka, ayagoo si gaar sheegay in ay muhiim tahay daryeelka ciyaartooyda Soomaaliyeed oo ay sheegeen in aysan heeysan daryeel iyo tababarro ku filan.

Hoos ka dhageeyso Barnaamijka oo dhameystiran.